Qeybtii 4-aad
GABADHII BIYUHU LIQEEN.
Beri baa gabadh waxay damacday inay keli u dhawaa ku soo dabaalato,
intay biyihii sii dhex galeysay ayey lugta u fakatay oo moolkii
ku dhacday, qaylo ayey afka furatay, iyadoo bihiina ku hafaneysa,
qaylideedii ayaa waxaa ku soo leexday oday jidka u dhaw keligaa
maraayey, oday oo aad u careysan ayaa gabdhii oo biyaha ka dhex
hiqleyneysa waano iyo canaan iyo dhaliil la kor fadhiistay intii
uu ka bixin lahaa,iaydii oo ay nafta ku dabo yar tahay ayey
tiri war horta biyaha iga saar oo I badbaadi, ka dibna waxaad
doonto I dheh''''
. LABO SAAXIIB
Beri baa labo wiil waxay ahaayeen saaxiibo, mid ka mid ah labada
wiil wuxuu ahaa mid aad u faan badan, wuxuuna oran jiray aniga
beri dhaweyd oo aan miyiga tagay libaax baan dilay, shabeel
baan garaacay, waraabaa fara ciddi leh iiga fakaday, dawacada
iyo yeyduna iima soo dhawaan karaan. Markasta sidaa ayuu saaxiibkii
ugu booloxoofteyn jiray. Hase yeeshee wiilka kale wuu ogaa in
waxaas oo dhami beenti yihiin oo uusan libaaxna dili karin maroodina
u dhawaan karin. Balse wuu iska dhagaysan jiray. Berigii dambe
ayaa markii iskuulka loo xiray ayey labadoodii fasax miyiga
u aadeen, maalin maalmaha ka mid ah iyagoo meel duur ah socda
ayaa waxaa ku soo baxay waraabe gaajaysan, si kedis ah ayuuna
uga horyimid. Wiilkii faanka badnaa ee oran jiray waxbaan dilay,
markiiba cagaha ayuu wax ka dayey, kii kalena isna wuu ka daba
orday. Hase yeeshee labadoodiiba waxaa ceyrsaday waraabihii,
markay ka fakan waayeen ayaa waxay goosteen inay geed ka fuulaan,
midkii faanka badnaa markiiba geedkii ayuu dhalada u gadhacay,
kii kalena isagoo dhexda sii maraya ayuu soo dhacay, markiibana
waraabihii baa ku yimid. Markuu wuxuu sameeyo garan waayey ayuu
meyd iska dhigay. waraabihii markuu u yimid wiii oo geedka hoos
jiifa ayuu dhegeha iyo madaxa ka ur-ursaday. Hase yeeshee wiilkii
isma uusan dhaqaajin, xitaa neefta ayuu isku celiyey. Markuu
xubin dhaqaaqda ka waayey ayuu isag tagay. Midkii faanka badnaa
ee geedka saarnaana meeshiisa ayuu ka daawanayey.
Markuu waraabihii tagay ee uu soo dagay ayuu wuxuu ku yiri
"Waryaa hebelow waraabuhu muxuu dhegta kuugu sheegayey"?
wuxuu ku yiri "wuxuu I yiri weligaa nin faan badan faankiisa
ha rumaysanin, hana la saaxiibin".
Qeytbtii
3-aad halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com