Qeybtii 3-aad
BIDAARI MA QARSOONTO
Beri baa nin boqor ahaa oo boqortooyo weyn iyo hanti badan
lahaa ayaa waxaa ku dhacay cudur, markuu waayo jiranayaa kadib
ayuu cudurkii ka raystay, hase yeeshee timihii madaxa ayaa ka
buubay, taasina aad buu uga xumaaday waxaana qeyb weyn ka luntay
quruxdiisii maadaama timihii madoobaa ay ka daateen arrintaana
ninkaasi aad buu uga xumaaday, wax kasta haddii uu isku dayey
oo dawo kasta uu madixii mariyey timihii way soo noqon waayeen,
waxayna dani ka geyn weyday inuu sameysto baruuko timihiisii
u eg oo le'eg, sidaas ayuuna waayo badan dadkiisii ku xukumayey
iyagoon ogeyn.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa sida boqorka caadadiisa aheyd
wuxuu aaday ugaarsi, isagii iyo saaxiibadii iyo dad kale oo
magaalada degen oo ku soo darsamay ayaa farto qaatay, sidii
ay ugaarsigii ugu jireen ayaa iyagoo eryanaya Ugaadh waxaa ka
hor timid dabeyl xoog badan, markaasay boqorkii timihii macmalka
ahaa ka tuurtay oo ay bannaanka soo dhigtay bidaartii weyneyd
iyo madaxiisii dhalaalayey dadkii oo dhan ayaa yaabay oo qosol
baqdin leh hoos ka wada qoslay, waxayna isku dayeen inay ku
caawiyaan boqorka inay dib ugu celiyaan buruukadiisa. Isagoo
qosol gariiraya ayuu intuu baruukadii iska tuuray wuxuu yiri
"Timihii Ilaahey ayaan madaxa ku celin waayaye ma kuwo
macmal ah baan madaxa ku celin karaa"!!
Sheekadiina halkaas bay ku dhamaatay.
NINKII DADKA DAAWEYN
JIRAY.
Beri bay waxay saboolnimo dhibtay nin, si wala hadduu yeelay
noloshiisa caadiga ahyd wuu maareyn waayey, markii dambe si
xun intuu u fekeray ayuu wuxuu isku dayey inuu is dilo. Buur
dheer dhaladeed intuu fuulay ayuu iska soo tuuray. Hase yeeshee
nasiib wanaag waxba ma gaarin, dhowr jeer ayuu ku noqday mar
kasta isagoo bad qabay ayuu dhulka ku soo dhacaa oo waxba ma
gaaraan. Markii dambe guri buu inta isku soo xiray ayuu xarig
qoorta iska suray oo uu isku dal-dalay. Hase yeeshee mar kasta
xarigii ayaa la soo go'a oo waxba ma noqdo. Waa nin aan tiisii
geline maalintii dambe ayaa wuxuu ku tashaday inuu isku tuuro
bad. Isagoo baddii agtaagan ayaa waxaa u yimid malag Ilaahey
u soo diray markaasuu wuxuu yiri "nin yahaow maxaad rabtaa
inaad sameyso". Wuxuu yiri "waxaan doonayaa inaan
badda isku tuuro si aan u dhinto aan adduunkan dhaafo".
Wuxuu ku yiri Malagii "oo maxaa taa kugu kalifay",
wuxuu yiri ninkii "faqri baa I daashaday oo noloshaydii
baan maareyn kari waayey" Malagii baa wuxuu ku yiri markaa
"anigaa waxaad ku shaqaysato ku barayee ku shaqayso".
Laga bilaabo maanta waxaad daweynaysaa dadka oo dhaqtar baad
tahay, qofka jiran ee aad daweynayso haddii aan lugaha ka fadhiyo
ku akhri wax oo dawey wuu raysanayaaye, haddiise aanmadaxa ka
fadhiyo ka isku daalinin wuu dhimanayaaye" qof kasta oo
jirana ku dheh aniga ayaa idiin daweynaya".
Nin saboolka ahaan jiray sidii ayuu muddo baan ku shaqaysan
jiray, oo qofka marka loogu yeero ee la yiraahdo kaalay quraan
ku akhri waxaa istusi jiray Malkul Mowdkii, hadduu lugaha ka
fadhiyo xoolo badan buu ka qaadan jiray wuuna daweyn jiray,
hadduu madaxa ka fadhiyana wuu isaga tagi jiray. Maalintii dambe
ayuu isagii xanuunsaday show waqtigiisiibaa dhamaaday, wuxuuna
arkay isagoo sariirtiisii ku jiifa malagii o madaxa ka fadhiya,
markaasuu dadkii intuu u yeeray wuxuu ku yiri "I wareejiya
oo madaxayga dhinacaa kale mariya" hase yeeshee markii
madaxiisii la soo wareejiyey maliigiina wuu la soo wareegay
oo weli madaxa ayuu ka fadhiyaa, si walba dhinac walba haddii
loo jeediyey madaxa ayuun buu ka fadhiyasaa. Waxaanay dadkii
arkeyn ee isagu kelidii uu arkayo ayuun baa u muuqda.
Siduu u lahaa ilmihiisii waryaada I wareejiya maxaad ii koertaagan
tihiin ayey naftii ka baxday.
Qeytbtii
2-aad halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com