SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
30/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Somaliland oo sheegtey in aysan jirin cid lagala baxey Beerka iyo Kelyaha

 

Degaanada Somaliland maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u xoogeystay wararka la xiriira in dad u badan Dhalinayro iyo Haween laga Afduubto Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Dadka la Afduubto ayaa la sheegay in lagala baxo xubnaha ugu muhiimsan ee jirkooda, gaar ahaan xubnaha uur ku jirta, waxaana arrintaasi ay dhalisay cabsi fara badan oo soo wajahday dadka ku nool Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Waxax xigtay baraha bulshada in la soo dhigo Muuqaalo iyo Sawirro, kuwaasi oo ay ka dhex muuqanayaan xubnaha jirka, sida Beerka iyo Kilyaha, oo la sheegay in ay yihiin xubno dadeed.


Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo markii ugu horeysay arrintan ka hadlay ayaa beeniyay wararkaasi sheegaya in dad lagu Afduubtay Degaanada Somaliland xubnahaasi lagala baxay.

C/laahi Fadal Iimaan Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa qiray in mararka qaar Degaanada Somaliland uu ka dhaco Afduub, gaar ahaan Magaalada Hargeysa.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®