SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Shriif Xasan oo Sheegay in uu Soo Magacaabayo Ra’iisul Wasaare.

 

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aaadan ayaa Sheegay In uu Soo Magacaabayo Ra’iisul Wasaare uu Yeesho Maamulkiisa Hadii La Ansixiyo Xubnaha Wasiirada Uu Soo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Arrintan ayaa noqon doonta mid layaab ah, hadii uu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaare, isla markaana maamul goboleed uu isla meel dhigo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa Baarlamaanka Soomaaliya Ka Codsaday In ay Si Degdeg Ah U Ansixiyaan Gollaha Wasiirada Cusub Ee Dhawaan uu Soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah Ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dad badan ayaa aaminsan in tallaabada uu qaadayo Shariif Xasan oo uu ku doonayo inuu ku magacaabo Ra’iisul Wasaare uu yeesho maamulkiisa ayaa ujeedkeedu yahay inuu ku yareeyo culeyska kaga soo wajahan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkiisa, kuwaasoo dhowaan mooshin ka dhan ah ka diyaariyay.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®