SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Taliyaha Ciidamada Booliska oo La kulmay Wafdi Ka Socday Talyaaniga

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud ayaa xarunta Akaadeemiyada Boliiska ee Jen. Kaahiye ku qaabilay wafdi ka socday Dawladda Talyaaniga oo uu hoggaaminaayo Ambassador Luciano Pezzi, Ergeyga Gaarka ah ee Dawladda Taliyaaniga u qaabilsan bariga Afrika oo ay weheliyaan Carlo Campineli Danjiraha Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya , Col. Carlo Emiliani U qaybsanaha Arrimaha Ciidamada Ee Dawladda Talyaaniga.


Muhiimadda booqashada wafdiga waxay imaaneysaa ka dib xiriirka qotada dheer ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed la leeyihiin Ciidanka Carabinieriga Talyaaniga oo wixii ka dambeeyey sanadkii la soo dhaafay soo xoogeysanaayey ka dib markii uu Taliyaha Ciidanka uu booqasho rasmi ah ku tagay Dalka Taliyaaniga, halkaasna uu kula soo kulmay dhiggiisa dalkaasi Taliyaha Caranbinieriga Tulio Del Sette.

Wafdiga oo salaan ka qaatay cutubyada tababarka ugu jira Dugsiga ayaa kormeer ku soo sameeyeen qaybaha kala ee Dugsiga, Waxayna wafdiga kula kulmeen Akaadeemiyaha Saraakiil Sare oo sanadkii hore tababar dhanka hoggaaminta ah ku soo qaatay Magaalada Roma.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®