SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Afhayeenka Gobolka Banadir oo Sheegay in cid aysan ka warqabin aysan Gargaar siin karin dadka soo barakacey

 

Digniin ku socota Dad Siyaabo aan wanaagsaneen Raashiin Gargaar uga qeybiya Duleedka Muqdisho oo laga soo saaray amaro.

Kadib kulan ay xalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka, Saraakiisha Ammaanka Gobolka Banaadir iyo Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan caawinta Dadka ku soo barakacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Waxaana kulankaasi laga soo saaray Digniin ku socota Dad qaab Aan wanaagsaneen u mara qeybinta Raashiin ay ugu tala galeen in Barakacayaashaasi Soomaaliyeed la gaarsiiyo.

Waxaana Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane uu shaaca ka qaaday in maalmihii dambe ay soo badanayeen in Gaadiid Raashiinka looga Tuur yeeyo dadkaasi Barakacayaasha ah taasina aanu Asluub ahaan wanaagsaneen maadaama Dadku aanu Shimbiro ahayn.

Waxaana uu wacad ku maray in ciddii dambe oo tallaabo nuucaasi ah ku dhaqaaqda in sharciga ay la tiigsan doonaan.

Duleedka Muqdisho ayaa marti gelinaya Barakacayaal fara badan oo ka soo cararay Gobollada Abaaraha ay saameeyeen qaarkood sida Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®