SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Qarax Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada waaberi

 


Qarax Gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.

Qaraxan oo ahaa mid lagu xiray Gaari Camera ah oo uu lahaa C/shakuur Ciise oo la sheegay in uu ka tirsan yahay shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sidoo kalena uu la shaqeeyo Hay’addo ayaa ka dhacay afaafka hore ee Gurigiisa oo ku yaalla Waaberi.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay marka hore in C/shakuur uu Gaariga fuulay, kadibna uu ka shakiyay maadaama uu Gaariga gariiray, sidaasina uu uga degay, kadibna Gaarigii halkaasi uu ku Qarxay.


Ciidanka ammaanka Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano.

Sarkaal ka tirsan NISA oo si kooban Risaala ula hadlay ayaa sheegay Qaraxan in uusan geysan khasaare, balse kaliya uu bur bur soo gaaray Gaariga, jawigana hada uu yahay mid caadi ah.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®