SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xarumaha Puntland ee Magaalada Gaalkacyo oo maanta xiran

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxa ay sheegayaan in ay xiran yihiin xarumihii ay ku shaqeyn jireen Maamulka Gobolka Mudug ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa xiran xarumihii ay ku shaqeyn jireen Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Puntland u qaabilsanaa gobolka Mudug.

Sababta Keentay ayaa lagu sheegay in tahay Cabsi laga qabo in ciidamo gadoodsan oo Mushaar la’aan ka cabanaya ay tagaan Xarumaha ,islamarkaana ay la wareegaan.


Ciidamadaasi ayaa ku wargeliyay masuuliyiinta xarumahaasi inaysan furi karin goobahan, sidoo kalena wax shaqo ah aysan ku qaban karin, hadii kale ciidamada ay la wareegayaan.

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ku sugan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Gabi ahaan in ay xiran yihiin xarumihii maamulka ,islamarkaana aysan ka socon wax shaqo ah.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®