SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xildhibaanad ka hadashay warar sheegaya in ay sedex nin hal mar isla Gursadeen.

 

Xildhibaanad Huda Axmed Cali oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan la sheegay iney hal mar isla guursatay sedex xildhibaan, warkaas oo ahaa mid dad badan ka yaabiyay.

Hase ahaatee Xildhibaanadda oo saxaafada la hadashay markeedii ugu horeeyay ayaa beenisay warkaas iyadoo sheegtay in boqorka beesha ay kasoo jeeda uu ka dambeeyay in arintaas uu ku ceebeysto.

Xildhibaanad Huda oo dhibane u ah qaar kamid ah saxaafadda iyo dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegtay iney aad uga xun tahay in boqorka beesheeda uu doonayay inuu ku ciyaaro nolosheeda isla markaana uu ka faafiyo xumaan uu alla reebay.

Waxaa ay sheegtay in sababta uu fadeexadaas usameynayo ay tahay inuu doonayo inuu kursigaas iyada ka tuuro oo uu ka gato dad kale sida ay hadalka udhigtay.

Xildhibaanad Hudda ayaa tilmaamtay iney marar badan isku dayday iney la hadasho Boqorka beesheeda laakiin uu diiday inu joojiyo ceebta iyo fadeexada uu ku hayo.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®