SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabo horleh oo Casriy oo dheer samaysay

 

K/Waqooyi oo horay u tijaabisay hub nukliyeer ah
Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabiysay qalab cusub oo awood badan, kaasoo matoor u noqonaya gantaallada sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Hogaamiyaha dalkaasi, Kim Jong-un, oo tijaabadaasi daawaday ayaa ku tilmaamay mid guul ah.

Warbaahinta Qaran ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in tijaabadan cusub ay muujineyso hormarka ballaaran ee uu dalkaasi ka gaaray tiknoolajiyadda gantaallada.

Khubarada dibedda ayaan weli waqti u helin in ay si buuxda u qiimeeyaan tijaabadaasi, balse tijaabooyinkii hore ee uu dalkaasi sameeyay ayaa muujinayay hormar.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson, oo hadda booqasho ku maraya dalka Shiinaha ayaa dalalka gobolkaasi gaar ahaan Japan iyo Kuuriyada Koonfureed kala hadlay qaabkii xukuumadda Pyongyang looga horjoogsan lahaa, in ay samaysato hub nukliyeer ah oo wax ku ool ah.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday in dalkaasi ay ka qaadi doonaan tallaabooyin adag, balse ma aanu qeexin sida ay siyaasadda cusub ee Maraykanka uga duwanaan doonto kuwii hore ee ku guuldaraystay in ay Kim Jong-un ku qanciyaan ka haridda hamigiisa nukliyeerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa shan goor tijaabisay hubka nukliyeerka iyo tiro gantaalla ah, waxaana la rumeysan yahay in dalkaasi uu diyaarinayo gantaal hubkaasi khatarta ah gaarsiin kara carriga Maraykanka.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®