SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Malaysia oo Ciidamo u soo direysa Dalka Soomaaliya

 


Wasaarada Difaaca ee Dowladda Malaysia ayaa wada qorshe ay Ciidamo ka soo jeeda Dalkeeda ugu soo direyso Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dalka Malaysia, Datuk Seri Hishammuddin Tun Hussein ayaa waxuu sheegay in 20 Askari oo ka mid ah yihiin Saraakiil ay keeni doonaan Magaalada Muqdisho.

Waxaa Wasiirka uu intaasi ku daray in Ciidamadan ay yihiin kuwa sugaya amaanka gargaar bini’aadanimo oo ka imaanaya Dalka Sacuudi Careebiya iyo Wafuud uu sheegay in ay ka imaan doonaan Dalka Malaysia.

Mr. Datuk Seri ayaa xusay in heshiiska Ciidamadooda ay ku imaanayaan Magaalada Muqdisho ay wada gaareen isaga iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Ciidamada la keeni doono Dalka Soomaaliya ayaa laga soo xulayaa kuwa Dowladda Malaysia hadda ka jooga Dalka Sacuudi Careebiya.

Sikastaba, Dowlada Malaysia ayaa gargaar bini’aadanimo oo looga hortago abaaraha Soomaaliya waxey ka raadineysaa Sacuudiga, Iran, Qadar iyo Wadamo kale oo ku yaalla Eeshiya.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®