SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Jubbaland oo baaq u dirtay shacabka

 

Maamulka Jubbaland ayaa faah faaahin dheeraad ah ka bixiyay halka ay marayaan Abaaraha ka jira Degaanada Jubbaland iyo natiijada ka dhalatay.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed in looga baahan yahay in ay isku tashadaan, gaar ahaan reer Jubbaland.

Waxa uu sheegay Degaanada Jubbaland in Saddex maalmood oo xiriir ah laga soomayo, sidoo kalena la Tukanayo Salaad Roob doon ah, si Alle looga baryo in dhibaatada uu naga dulqaado.


Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku naxariistaan, Allena baryaan, iyagana Qof walba wuxuu awoodo uu ku kaalmeeyo walaalkiisa dhibaateysan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shacabka Soomaaliyeed horey ugu baaqay in ay sameeyaan isku soo bax, sidoo kalena Tukadaan Salaad Roob doon ah, si Alle uu dhibaatada inooga dulqaado.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®