SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Donald Trump oo wali ku adkaysanaya in Obama uu basaasay

 

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in macluumaad “xiiso leh” ay ka soo bixi doonaan todobaadyo gudahood kuwaas oo la xiriira eedaymaha sheegaya in Obama uu amray in si qarsoodi ah loola socdo taleefanada dhismaha Trump Tower intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashadii sanadkii hore.
Trump oo waraysi siinaya Fox News ayaa sheegay in markii uu Twitterkiisa ku soo qoray in si qarsoodi ah loola socday hawlihiisa intaas macnaheedu ay ahayd in la basaasay iyada oo xeelado kala duwan la adeegsanayo.
Wuxuu sheegay in uu Congress-ka la wadaagi doono waxyaabo uusan faahfaahin ka bixinin uuna kalsooni ku qabo gudiga arrimaha sirdoonka u qaabilsan aqalkaas.
Laakiin Devin Nunes iyo Adam Schiff oo madax u ah gudigaas ayaa goor hore sheegay in wax caddayn ah u haynin sheegashada madaxweyne Donald Traump isla markaasna aysan iyagu rumaysnayn.
Madaxa laanta sirdoonka ee dalka Maraykanka ee FBI iyo hogaamiyaha Hay’adda Ammaanka Qaranka ee NSA ayaa waxay ka ogyihiin sheegi doona dhagaysi la samayn doono todobaadka soo socda.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®