SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Caqabado soo wajahay arday Soomaaliyeed oo wax ku barta K/Afrika

 

Jaaliyada Soomaalida ee ku nool gobolka Limpopo ee dhaca xadka wadanka South Africa uu la leeyahay Zimbabwe ayaa walaac xoogan ka muujiyay warqado digniin ah oo ku saabsanaa in caruurta aan heysan passport ama caddeynta dalkaasi laga saari doono goobaha waxbarashada mudada saddaxda bilood ah ee soo socota.

Digniintaan oo ka soo baxay maamulada dowlada South Africa ay ku leedahay gobolkaasi,ayaa lagu sheegay in ardayda d iyo waalidiintoodaba in ay la yimaadaan Baasaboorka Soomaaliga ah ,halka inta badan dadku ay heystaan waraaqaha Qaxootiga.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolkaasi Daahir Xasan Hilowle ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ku dhawaad boqol caruur Soomaali ah ay dhici karto in schoolada laga saaro saddaxda bilood ee socota hadii aysan waalidiintooda aysan ku dhaqaaqin tallaabooyin ku habboon arimahaasi.


Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka K/Afrika ayaa sheegay in ay la kulmeed Hey’ada UNHCR,isla markaana ay u gudbiyeen cabashooyinka la xiriira ardayda loogu baaqay in ay la timaadaan Baasaboor Soomaali ah ama kan K/Afrika.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®