SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Sargaal ka Tirsanaa Ciidamada Itoobiya oo Isku Daldalay Gobolka Gedo

 

Wararka ka imaanaya Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Sargaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya uu Saakay isku Daldalay Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Garbahaarey.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada ayaa Xaqiijiyay in Sargaalka Itoobiyaanka ah uu Degmada Isku Daldalay,waxaana la sheegay in Sargaalka is dilay loo diiday Fasax uu ku aado Qoyskiisa oo degen Magaalada Addis ababa islamarkaana uu Go’aansaday inu Nafta isdhaafiyo.

Diyaarad ah kuwa Qumaatiga u Kaca ayaa Meydkiisa looga soo qaaday Sargaalka Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,waxaana la keenay Magaalada Baydhabo.

isla Maanta ayaa la sheegay in Sargaalkaan Meydkiisa loo duulin doono Magaalada Addis ababa ee Wadanka Itoobiya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®