SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Qoysaska Shaqaalaha La Socday Markabka La Qafaashay oo Baaq U Diray Burcad-Baddeeda.

 


Qoysaska 8-da shaqaale ee la socota Markabka Booyadlaha ee afduubka loogu haysto Xeebaha Caluula ayaa Baaqaasi ku sheegay mar ay la kumeen Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sri Lanka.

“Waxaan u cabsanaynaa Nolosha kuwa aan jecel nahay ee la afduubtay, cabsi ayaan ka dareemaynaa Qalbigeenna” ayey tiri Namali Makalandawa oo la dhalatay Premnath Ruwan Sampath oo ah Sarkaalka Guud ee Markabka la qafaashay.

Waxay intaasi ku dartay inay Qoysaska xiriir la sameeyeen Xafiiska Shirkadda leh Markabkaasi oo ku yaalla magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, balse aan Wicitaankooda laga jawaabin.


Namali Makalandawa waxay ka codsatay Afduubayaasha inay sii daayaan Shaqaalahaasi oo ay sheegtay inay isugu jiraan Aabayaal, Xaaslayaal iyo Wiilashooda, waxayna xustay inay Shaqada Badda u galeen si ay u helaan Lacag ay ku biilaan Qoysaskooda.

Waxay xustay inay diyaar u yihiin inay Burcad-baddeeda si nabad ah ula hadlaan, si loo sii daayo Shqaaalaha la socday Markabkaasi.

“Waa Aadane, xitaa Burcad-baddeeda waa Aadane. Waxaan awoodnaa inaan si nabad leh kula hadalno” ayey sii raacisay.

Markabka Shidaalka ee ARIS 13 waxaa la qafaashay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, xilli uu ka soo shiraacday Xeebaha Jabuuti, kuna soo jeeday Dekedda Muqdisho.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hawlgalka Ciiddanka Badda ee EU-da ka wadaan Xeebaha Somalia ayaa sheegay inay la xiriireen Madaxa Shirkadda Markabkaasi, kaasi oo u xaqiijiyey inay Burcad-baddeedu codsatay Lacago madax-furasho oo aan cadadeeda la shaacinin.

Waa Afduubkii ugu horreeyey ee lagu qafaasho Markab Weyn oo Ganacsi Xeebaha Somalia tan iyo sannadkii 2012-kii.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®