SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Shirkado shisheeyeo oo Waaweyn oo Xaalufin ba’an ku hayaan Bada Soomaaliya.



Iyadoo Maraakiibta iyo Doomaha Shisheeye ay Xaalufin Ba’an ku hayaan Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Mudanayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in waxa haatan ka soconaya Biyaha Soomaaliya yihiin Bililiqo xoogan oo aan Geed loogu soo gamban kuwaas oo ay ku kacayaan Shirkadaha Waaweyn ee Kalluumeysiga Caalamka.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil aya ku nuux nuuxsaday in Biyaha Soomaaliya ay uga faa’ideysanayaan Shirkadahaasi , Ciidamada Badda oo aan Tayo iyo cudud ku filan in ay difaacaan Biyaha Dalka aan lahayn.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Arrimahaan oo kale marka lagu arko Biyaha Soomaaliya looga hortagi jiray Diyaaradaha iyo Doomaha oo ay lahaayeen Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda Badda.

Maraakiib Shisheeye ayaa la sheegaa in si sharci Darri ah ay Kheyraadka Biyaha Soomaaliya uga uga Jillaabtaan kuwaas oo aanu jirin cid wax ka qabata.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®