SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la dilay

 

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal kooban oo xalay Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab ku dhexmaray xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hilliwaa.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidamo Boolis ah ay ku leeyihiin xaafada Suuqa xoolaha ee Degmada Hilliwaa, waxaana ay taasi sababtay in Ciidanka NISA ay garab siiyaan Ciidamada Booliska, halkaasina uu ka dhashay khasaare.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Dagaalkaasi lagu dilay Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Jacfar Kuukaay, isaga oo sidoo kakle sheegay in Ciidamada ay soo furteen Laba Qori oo midi uu ahaa Baasuuke.

Sidoo kale C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay sarkaalkan la dilay Shabaab in uu ugu magacawnaa suuqa Xoolaha, wuxuuna sheegay Howlgalka in uu ahaa mid guuleystay.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®