SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dad xalay lagu dilay Degaanka Maqasiya ee gobolka Hiiraan

 

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degaanka Maqasiya oo 15-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaa xalay halkaasi lagu dilay Labo ruux oo la sheegay in ay yihiin xoolo dhaqato, kuwaas oo ka soo jeeda Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Labada ruux ee la dilay ayaa magacyadooda waxaa lagu soo koobay C/naasir iyo Garuun, iyaga oo ka mid ahaa dad xoolo dhaqato oo dhowaan soo gaaray Degaankaasi.

Koox ka kooban 5 Qof ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka, waxaana dilka kadib ay ka baxsadeen goobta, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.


Ilaa iyo hada ma cada waxa ay ay yihiin, hase ahaatee dadka Degaanka ayaa sheegaya dilalka xalay dhacay in ay salka ku hayaan aanooyiin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi ka taagnaa.

Maamulada Hirshabeelle iyo Ahlu-sunna weli kama aysan hadlin, maadaama ay ka kala arrimiyaan Degaanka uu dilka ka dhacay iyo Degaanka ay ka soo jeedaan Labada ruux ee dilka loo geystay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay baarayaan sababaha uu u dhacay dilkaasi.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®