SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

UK oo ka shaqeyneysa midnimada Soomaaliya

 

Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay sheegtay in ay wado sidii ay u xoojin laheyd midnimada shacabka Soomaaliyeed, kadib markii shalay Magaalada Muqdisho uu booqasho rasmi ah ku yimid xoghayaha arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska.

Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay kulan ay la qaateen Xoghaye Boris in ay kala hadleen midnimada Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa meel nabad ah.

Sidoo kale Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay Dowladda Ingiriiska in ay ka shaqeyneyso in Soomaaliya ay ku soo noqoto sideedii hore, sidoo kalena ay midoobaan shacabka Soomaaliyeed.


Waxa uu sheegay Xildhibaan Zakariya oo ka mid ah xildhibaanada heysta dhalashada Britain in Dowladda UK ay lacago badan ku bixineyso Abaaraha ka jira Soomaaliya, si loo badbaadiyo dadka Abaartu ay saameysay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Britain ayaa shalay safar lama filaan ah ku yimid Magaalada Muqdisho, wuxuuna kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®