SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Weerar ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay Shabaab

 

Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa xalay xaafada Suuqa xoolaha ee Degmada Hilliwaa waxa ay ku dileen nin Shabaab ka tirsanaa, kadib Dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa Risaala u sheegay in Ciidanka ammaanka ay ka hortageen weerar Shabaab ay ku soo qaadeen fariisin Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin xaafada Suuqa xoolaha, halkaasina uu ku dhexmaray Dagaal kooban.

Ciidamada Booliska oo gurmad ka helay Ciidanka NISA ayaaa sababtay in nin Shabaab ka tirsan weerarkaasi lagu dilo, sidoo kalena Ciidamada ay soo furtaan Hub ay wateen Dagaalyahada Shabaab.


Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay ninka la dilay in lagu magacabi jiray Amiir Jacfar oo ahaa Amiirkii Shabaabka ugu magacawnaa xaafadda Suuqa Xoolaha, isaga oo sidoo kale sheegay in Ciidamada ay soo furteen Laba qori oo uu haystay, oo midi uu Baasuuke yahay.

Dadka Degaanka ayaa Risaalau sheegay xalay in ay ku seexdeen jawi cabsi ah, maadaama Labada dhinac in mudo ah ay isdhaafsanayeen Rasaas laga maqlayay Degmada Hilliwaa, sidoo kalena ay ka cabsi qabeen in mar kale halkaasi uu ka dhaco Dagaal.

Xaalada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hilliwaa ayaa saakay waxa ay tahay mid degan waxaana Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay wadaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®