SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Puntland oo Wada-hadal La Galaya Kooxaha Afduubtay Markab Laga Leeyahay Siralanka

 

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland ayaa saakay ku wajahan degaanka Biyo Cadde oo dhowr KM u jira degmada Caluula Halkaasoo lagu haysto Markab ay Afduubteen Kooxo degaanka ah.

Gudoomiyaha degmada Caluula Cali Shire Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan kooxaha haysta Markabka laga leeyahay dalka Siralanka islamarkaana ujeedkooda uu yahay sidii loo sii deyn lahaa markabka iyo shaqaalaha saaran.


Rag Kalluumaysato ku sugan xeebaha Bari ee Puntland, oo la hadlay Maamulka Puntland ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay in ay afduuntaan markab ku sugnaa nawaaxiga degmada Caluula oo laga lahaa dalka Germany.

Qaar kamid ah Ragga afduubtay Markabka laga leeyahay dalka Siralanka oo la hadlay warbaahinta deeganada maamulka Puntland ayaa sheegay in Markabka ay saaran yihiin ay saaranyihiin ajaanib gaaraysa 10 qof kuwaasoo qaybtood u dhasheen Filibin iyo Ingiriiska.

Mid kamid ah ragga afduubtay geystay ayaa iska fogeeyay eedaha uga imaanaya bulshada iyo beesha caalamka kuwaasoo ku tilmaamaya inay yihiin Bur-cad isagoo taa badalkeeda tilmaamay inay difaacayaan dhulkooda, uu sheegay in weerar xaalufin ah ay ku wadeen wadamada reer Galbeedka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®