SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Turkiga oo Midowga Yurub ku tilmaamay waxma garato

 

Aftida ka dhacaysa Turkiga bisha dambe waxay kordhin doontaa awoodaha Erdogan
Turkiga ayaa ku tilmaamay Midowga Yurub mid indhaw garad ah ka dib markii midowgu ku tirtirsiyey Ankara in ay joojiyo hadallada dhiifta leh ee ay ku durayso Netherlands oo ay diblomaasiyadda isku seegeen.
Wasaaradda arimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay in ay gef wayn tahay in midowgu taageero xukuumadda Dutch-ka oo laba wasiir oo Turki ah ka hor joogsatay in ay jaaliyadda Turkiga ah ee dalkeeda degan uga dhex ololeeyaan taageerada dastuurka cusub.
Ra'isal wasaaraha Netherlands, Mark Rutte, oo berito geliya tartanka doorashooyinka guud ayaa sheegay in cuna qabataynta Turkigu ku soo rogay dalkiisu ay tahay mid aad u xun.
Dowlada Turkiga ayaa mar sii horreysay ku dhawaaqday talaabooyin ay kaga aargoosaneyso Netherland.

Ra'iisalwasaare ku xigeenka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegey in danjirihii Holland u fadhiyey Ankara aanu soo noqon doonin , waxaana la joojiyey kulan sare oo ay yeelan lahaayeen mas'uuliyiinta labada dal.

Olole uu Turkigu doonayay inuu ka dhigo waddamada Jarmalka, Austria, Switzerland iyo Holland ayaa la joojiyey.

Isu soo baxyadan ayaa looga gol leeyahay in dadka Turkiga ah ee ku nool Yurub ay haa ugu codeeyaan aftida lagu kordhinayo awoodaha madaxweynaha Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyey waddamada Jarmalka iyo Netherland in ay yihiin naasiyiin.

Wariyaha BBC-da Mark Lowen oo ku sugan Istanbuul ayaa sheegay in waddamada Holland iyo Turkiga oo xunbo ka ah gaashaanbuurta NATO ay ka dhexdhacday ismaandhaafkii siyaasadeed ee ugu xumaa.

Isniintii ayaa wasiirka arrimaha dibada ee Turkiga Mark Rutte waxa uu digniin u jeediyey dadka reer Holland ee ku sugan Turkiga in ay taxadir muujiyaan isaga oo carabaabey khilaafka dublamaasiyadeed ee taagan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®