SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xiisad u dhexeysa Maleeshiyaad oo ka taagan gobolka Mudug taas oo u dhaxesa Puntland iyo Galmudug

 

Saraakiisha Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ee ka howlgalla ee xeebaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in kooxaha Burcadbadeeda uu gacantooda galay Markab siday Saliida.

Afhayeenka Ciidaka Badda ee Midowga Yurub ee ka howlgalla Soomaaliya Louise Tagg ayaa sheegay in Kooxaha Burcadeeda ay Afduubteen Markabkaasi oo ahaa mid ganacsi ,islamarkaana uu ka dulbabanaayay Calanka dowladda Srilaanka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay wadaan Baaritaano kala duwan oo lagu doonaayo in lagu soo badbaadiyo dadkii iyo sidoo kale Hantidii Saarneyd Markabkaasi.


Waxaa uu xusay in Markabkaasi ay kooxaha Burcadbadeeda ay kasoo Afduubteen badweynta India.

Salaad Nuur oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka degmada Caluula ayaa sheegay in Markabka ay soo Afduubteen Kalluumeysato iyo sidoo kale Kooxo horay uga tirsanaan jiray Burcadbadeeda.

Sidoo kale Salaad ayaa sheegay in ay Adag tahay in la ogaado waxaa uu Markabko siday Laakiin waxaa uu tilmaamay in qaarkood ay u sheegeen dadka degaanka in markabku uu siday Shidaal ,halka kuwo kalena ay sheegeen in uu waday Saliid.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.

Warbixin kasoo Qaramada Midoobey Bishii November ayaa lagu sheegay in Saddex sano lagu guuleystay in aysan Afduub geysan Kooxaha Burcadbadeeda ,laakiin Howlgalkii La dagaalanka Burcadbadeeda oo Daciifay ay suurta gal tahay in ay dib u soo laabato Afduubkii Kooxaha Burcadbadeeda.

Hadii arrintan la xaqiijiyo waxay noqon doontaa dhacdadii u horraysay ee markab xamuul ganacsi ah ay ku af-duubtaan budhcad badeed Soomaali ahi tan iyo sannadkii 2012.

Guuto ka tirsan ciidamada badda ee Midowga Yururb ayaa BBC-da u sheegay “waxaanu dhacdadan ka war helnay shalay [isniintii] waxaana aroornimada hore saaka u dirnay diyaarado nooca yaryar ah si ay u soo baaraan”.

John Steed oo ka tirsan hay’adda Ocean Beyond Piracy, oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yiri “shalay galabtii wuxu markabku sheegay in ay daba socdeen laba laash oo yaryari, ka dibna warkiisaba waa la waayey”.

Waxaa xusid mudan in Howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.


Europe & Turkey oo meel daran ay arintooda ku sii socoto

Holand ayaa u digtay shicibkeeda u safraya dalka Turkey kaddib markuu xiriirka labada waddan xumaaday maalmo kahor.

Waddamada Holand, Germany, Austria & Switserland ayaa diiday in shicibka kasoo jeeda Turkiga ay sameeyaan dibad-bax lagu taageerayo afti waxlooga baddalayo dastuurka dalka Turkiga.

Is-hortaagga waddamadaas wuxuu sababay in mudane Erdogan uu hadallo ad-adag uu jawaab uga dhigo, wuxuuna yiri “Faracii Nazi wali wuxuu ku fidsan yahay galbeedka”.


Hoggaamiyaha Germany Angela Merkel oo hadalka Erdogan ka jawaab celisay waxay tiri, “In aan nahay NAZI maaha wax la aqbali karo, waxaan garab taaganahay oo taageeraynaa dowladda Holand”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Holand ayaa soo saaray digniin ku socota shicibka waddankiisa inaysan u socdaalin Turkiga, kuwa ku suganna ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah”.

Raysalwasaare ku xigeenka Holand Lodewijk Asscher ayaa isna wuxuu yiri, “In rajiim uu noogu yeero NAZI isagoo iska illaaway xuquuqda aadamaha waa wax laga yaqyaqsado”.

Madaxda Midowga-Europe oo codsaday in xaalka la dajiyo.

“Waa muhiim in laga fogaado colaad dheeraad ah oo la helo waddooyin kale oo xaalka lagu qaboojiyo”. waxaa sidaa yiri hadal si wadajir ah ay usoo saareen madaxa siyaasadda arrimaha dibadda midowga Uerope Federica Mogherini & guddoomiyaha ururka Johannes Hahn.

Turkey & Holand waxay ka wada tirsan yihiin NATO, waxaana haatan ka dhextaagan xaalad diblomaasiyadeed oo sii xumaanaysa.

Germany waxaa ku nool in ka badan 3-milyan oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, tiro lagu qaiyaaso 1.4-milyan ayaa xaq waxay u leeyihiin inay u codayn karaan doorasho hadday ka dhacayso dalka Turkey.

Inkastoo waddamada qaar ay diideen dalka France ayaa ogolaaday isku-soobax ay samayn karaan dadka Turkiga, waxayna madaxda France caddeeyeen inaysan jirin wax amni xumo ah.

Bilayska Rotterdam waxay shicibkii iskusoo-baxay u adeegsadeen biyo & eeyo.

Sidee Turkigu uga jawaabay?

Mudane Erdogan oo ku tilmaamay Holand inay tahay dowladdii-Mooska ayaa guddiga caalamiga ah ka codsaday in cunaqabatayn lasaaro, wuxuuna ku eedeeyay inay reer galbeedku cuqdad qabaan.

Mr, Erdogan wuxuu yiri, “Waxaan is iri way dhammaatay dabeecaddii NAZI, laakiin waan qaldanaa”.

Wasiirka arrimaha Europe u qaabilsan Turkiga Omer Celik wuxuu yiri, “Falalka dowladda Holand ay ku kacday Turkigu wuxuu kaga jawaabi doonaa cunaqabatayn”.

Siday tabisay wakaaladda wararka Turkig Anadolu, hadal ay wasiirka kasoo xigatay ayay ku sheegtay in Ankara ay dib u eegis ku samayn doonto heshiisyadii ay la gashay Midowga-Uerope, siiba kan muhaajiriinta.

Waddamada Europe maxay sameeyeen?

Raysalwasaaraha Holand Mark Rutte ayaa ku tilmaamay hadalka Erdogan ee ahaa “Haraadigii NAZI” inaysan ahayn wax la aqbali karo, kana codsanayo inuu arrinkaas raaligalin ka bixiyo”.

Rutte wuxuu cadaadis weyn ka haystaa doorashada maalmo kaddib ka dhici doonta dalka Holand, wuxuuna tartanka kula jiraa ninka ku caanbaxay islaam nacaybka Geert Wilders.

Isagoo ka jawaabaya arrinka cunaqabataynta ee kasoo yeeray Turkey wuxuu yiri, ” kama galayno arrinkaas wax-wadaxaajood ah”.

Angela Merkel oo saxaafadda kulan u qabatay ayaa canbaaraysay tusaalayaasha NAZI ee mudane Erdogan uu u adeegsaday dowladda Germany usbuucii hore.

Waxay kaloo tiri, “Maaha kaliya inaan Germany u hadlayo xulufadeena ankee maaha in lagu tilmaamo, isbarbardhiggani waa midaan hadaf-lahayn”.

Raysalwasaaraha Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa dib u dhigay kulan uu dabayaaqada bishan la yeelan lahaa dhiggiisa Turkiga Binali Yildirim sababo uu ku sheegay, “Weerarrada Turkiga ee ku wajahan Holand dartood kulankeenu maaha midaan kaga duwannahay Holand”.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®