SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Yaa Ka Dambeeyay Dhacii Loo Geystay Xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya

 

Korneel C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ahaa Saraakiishii Hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa ka hadlay dhacii dhawaan loo geystay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliyeed ee ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya.


Waxa uu sheegay in wax micno gaar ah aysan ku fadhinin dhicii dhawaan loo geystay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya oo ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya, waxa uuna sheegay in arintaas ay ka dambeeyeen shaqsiyaad ka Tirsanaa Dowladii Xasan Shiikh Maxamuud oo ka howlgal Villa Soomaliya.


“Dhaca loo geystay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya ee ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya wax weyn ma aysan aheyn, waxaa ka dambeeyay ragii ka Tirsanaa Dowladii Hore ee xarunta Madaxtooydda Soomaliya muddo ku shaqeynaysay, ujeedka ugu weyn waxa uu ahaa in dhibaato loo geysto dowladda Cusub ee Soomaliya”, ayuu yiri Korneel C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ahaa Saraakiishii Hore.

Dhawaan shaqsiyad oo ilaa haatan aan la magacaabin ayaa dhac u geystay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya oo ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya., hanta dhowraha oo ka hadlay arintaas ayaa xaqiijiyay in la xaday Dukumintiyo Muhiin ahaa oo yaalay xafiiskiisa.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®