SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wiil dhalinyaro ah oo loo dilay Taleefoonka Gacanta Dartiis

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay degmadaasi lagu dilay Wiil dhalinyaro ah ka dib markii kooxo ku labis dharka ciidanka dowladda Soomaaliya ay waydiisteen in uu bixiyo Taleefankiisa gacanta ,laakiin uu diiday.

Kooxaha Hubeysan ayaa la sheegay in wiilka dhalinyarada ah ay u dileen Taleefanka dartiisa.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Mayoow sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Dilka kadib ragii hubeysanaa ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo sameeyay baaritaan lagu raadinaayo kooxihii dilka geystay.

Shacabka kunool degmada Afgooye ayaa Cabasho xooggan ka muujinaya Kooxaha dhibka ku haaya Xilliyada Habeenkii ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®