SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

QM oo digniintii ugu darnayd ka soo saartay Abaaraha

 

Madaxa hawlaha bani’aadminimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dunidu ay wajahayso dhibaatadii bani’aadminimo ee ugu weynayd tan iyo markii la aasaasay Qaramada Midoobay 1945kii.

Stephen O’Brien ayaa u sheegay golaha amaanka in tiro ka badan 20 Milyan oo qof oo ku nool afar dal oo kala ah Suudaanta koofureed, Yemen, Soomaaliya iyo Nayjeeriya ay wajahayaan gaajo iyo macaluul, haddii aan la helin dadaal loo dhan yahay oo caalami ah.

Mr O’brien wuxuu sheegay in baahida ugu daran ay ka jirto Yemen, halkaasoo 3 meelood oo meel dadka dalkaas ku nool ay khatar ku jiraan, ayadoo xaaladdana ay sii xumaanayso.


Waa digniintii ugu dambaysay ee ka soo baxda Qaramada Midoobay oo ah in aysan haysan imkaaniyaadkii ay wax uga qaban lahaayeen mushaakilkan sii darsanaya ee dalal badan ka jira.


Qorshaha AMISOM oo ay Suurtagal tahay in uusan Guuleysan

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa qirtay in qorshaha iminka ee isku haleeya kaliya weerarada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay suurtagal tahay inuusan ku guuleysan hadafyada laga leeyahay ee ah inuu Soomaaliya u horseedo xasilooni waarta.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ku baaqaya in la kordhiyo ciidamada Amisom, si dowladda cusub ee Soomaaliya iyo ciidamadeeda amniga gacan looga siiyo inay xukumaan goobaha horey looga xoreeyey Al-Shabaab.

Madeira ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay xaaladda iminka ay ku sugan yihiin aysan awood u lahayn inay ka taliyaan goobaha Al-Shabaab laga Saaray.

Isaga oo ula jeeda ciidamada Soomaaliya, ayuu Madeira sheegay in kuwii ay ahayd inay ayaga dagaalamaan ay Amisom ka sugayaan inay ilaaliso, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo yiri in Amisom ay dhinac kala dagaalameyso Al-Shabaab, dhinaca kalena ay ka ilaalineyso dowladda Soomaaliya.

Waxaa la joogaa, ayuu yiri, waqtigii aan caddeyn lahayn in Amisom aysan weligood joogi doonin Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo si buuxda u shaqeeya oo maamula goobaha Amisom ay ka Saarto Al-Shabaab.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®