SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Taliyeyaasha Milateriga Dalalka Bariga Afrika oo maanta kulmaya

 

Taliyeyaasha Ciidamada dalalka Bariga Afrika ayaa maanta lagu wadaa in ay kulmaan Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda , waxaana ay ka wada hadlin doonaan arimo badan oo ku saabsan Ammaanka gobolka Bariga Afrika.

Inta uu kulanku socdo ayaa si weyn loogu falaqeyn doonaan Ammaanka gobolka iyo sidoo kale sidii loo xasin lahaa dalalka Bariga Afrika Qaarkood oo Ammaan xumo ay ka jirto.

Kulankaasi ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Madax ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan in ka badan 10 dal taliyeyaashooda , waxaana uu hordhac u yahay kulanka Jimacaha soo socda ay yeelan doonaan Wasiirada Gaanshaandhiga dalalkaasi.

Taliyeyaasha kulmaya maanta ayaa waxa ka kala socdaan dalalka Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Sudan, Uganda, Comoros iyo Seychelles.

Kulankaan ayaa lagu wadaa in si gaar ah diirada loogu saaro Ammaan xumida ka jirta Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®