SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

DEG DEG: Qaraxyo iyo rasaas toos ah oo lagu weeraray Isbitaal ay leeyihiin ciidan

 

Qaraxyo iyo rasaas toos ah ayaa la soo warinayaa in lagu weeraray gudaha Isbitaalka ciidanka Millateriga ee Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Afghanistan, ayaa sheegay qaraxa koowaad in uu ka dhacay albaabka hore ee Isbitaalka Sardar Daud Khan, meel ku dhaw hooyga Wasiirka Difaaca uu degan yahay.

Saraakiil la hadashay Al-Jazeera ayaa sheegay tirada dagaalyahanada ee weerarka geystay inay yihiin kuwa badan, islamarkaana gudaha Isbitaalka ay ka dagaalamayaan.

“Ciidamadeena ammaanka waxa ay la dagaalamayaan dagaalyahanada hubaysan ee soo weeraray Isbitaalka ciidanka Millateriga, waxayna ka fekerayaan inaysan waxyeelo ka soo gaarin weerarka, xaaladuna aadbey u adag tahay.” Afhayeenka Wasiirka Gaashaandhiga.

Goobta weerarka uu ka socdo, ayaa waxaa ku yaalo dhismooyin ay leedahay dowladda, sidoo kalena waxaa ku yaalo Safaarado dalal Shisheeye ay ku leeyihiin dalkaasi, waana goob amnigeeda si weyn loo adkeeyo.

Lama oga sida ay ugu suuragashay dagaalyahanada hubaysan inay gudaha Isbitaalka galaan, balse qaraxa ay ku dhufteen irida Isbitaalka ayaa u fududeeyay gelista gudaha.

Illaa hada lama soo sheegin inta uu la eeg yahay Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay weerarkaasi ka socdo gudaha dalka Afghanistan.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®