SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo lala xisaabtamayo

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka looga baahan yahay in ay Warbixin dhameystiran u keenaan Baarlamaanka Soomaaliya dhamaadka Sanadkaan 2017.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Guddiga lagula Xisaabtamayo shaqooyinkooda, lagana doonayo sida uu sheegay in ay ka shaqeeyaan sidii doorasho qof iyo Cod ah ay Soomaaliya uga dhici lahayd Afar sano ka dib.

Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in aysan sugi doonin in waqti badan uu kaga lumo xaqiijinta iyo Dalka doorasho qof iy Cod ah ay ka dhaceyso iyo in kale, Waxa uu sheegay in Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka loogu baahan yahay in ay warbixintooda sida ugu dhaqsiyaha badan ugu guddbiyaan Baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa guddiga ugu baaqay in ay dardar geliyaan howlaha ay hayaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®