SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Degaano ay maamulaan Al Shabaab oo gargaar la gaarsiiyay

 

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay gurmad deg deg ah gaarsiiyeen dadka ku dhibaateysan degaanada ay Maamulaan Al-Shabaab ee gobolada Baay iyo Bakool.

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan dadka dhibaateysan ee degaanada ay Maamulaan Al-Shabaab ku sugan iney si siman u gaarsiinayaan gurmadka.

Wasiirka Maaliyada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Sheekh Xasan Ibraahim ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii gurmad joogta ah loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in gurmadka ay ku wareejiyeen dad ehel la ah kuwa ku sugan degaanada ay Al-Shabaab Maamulaan si dadkaasi dhibaateysan caawinaad u helaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in ay u gurmadaan dadka dhibaateysan ee ku sugan degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya uu ka taliyo ee gobolada Baay, Bakool iyo Sh/Hoose ayaa waxaa ka jira abaar saameyn badan ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana soconaya gurmadka la gaarsiinayo dadkaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®