SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/03/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Sarkaal DF ka tirsan oo sheegay in uu ka badbaaday Iskuday Dil.

 


Sarkaalka oo lagu magacaabo Col Aadan Rufle oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu ka badbaaday iskuday dil.

Sarkaalkaan oo ka howlgali jiray Gobollada Jubbooyinka ayaa shaaca ka qaaday in Xaafadda Nasteexo ee Degmada Wadajir ay ku soo weerareen rag ku hubeysnaa Bastoolado islamarkaana uu cagihiisa uga baxdsaday Dableyda sida uu hadalka u dhigay.

“ 2 Nin oo I daba socotaa ayaan arkay Tuhun baa I galay , laakiin waxaa alle igu badbaadiyay Luuq yar oo aan ku baxsaday markii aan isku dayay inaan baxsado ayey Bastoolad la soo baxeen ina soo xabadeeyeen” ayuu yiri Col Aadan Rufle.

Sidoo kale Col ayaa cadeeyay in uu wargeliyay Laamaha Ammaanka una sheegeen in ay baaritaan ku sameynayaan falkaas.

Maalmihii u dambeeyay Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhayay Bartilmaameedsiga Saraakiisha iyo Masuuliyiinta la shaqeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®