SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasiir ka tirsan Somaliland iyo Ciidamo uu wato oo tagay Magaalada Qardho

 

Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada Somaliland Cali jaamac Faarax (CaliBuureed) ayaa gaaray Magaalada Qardho ee Gobolka Bari ee Puntland.

Wasiir Cali oo watay ciidan ilaalo ah oo aad u faro badan ayaa safarkiisa ka soo bilaabay Magaalada ceerigaabo wuxuuna safar dhulka ah ku soo maray deegaano badan oo puntland ah gaar ahaan gobalada ay puntland ula baxday hayland iyo karkaar sida Magaalooyinka baraagaha , Xilgalool , Dhahar, xeradaamuudal, sanjilbo iyo magaalada Qardho oo uu ugu danbayn wasiirku soo gaaaray sida ay sheegtay Warbaahinta ka Howlgasha Degaanada Puntland.

Cali Buureed ayaan la kulmin intii uu safarkiisa ku jiray cid ka tirsan maamulka puntland oo wax ka waydiisay ujeedka safarkiisa iyo sababta uu qardho u yimid, waxaana uu degay markii uu gaaray magaalada Qardho hotelka caanka ee Ala’aamin kaas oo ku yaal faras magaalaha islamrkaasna ah goob inta badan lagu falanqeeyo arimaha siyaasada Puntland.

Waxaana sida la sheegay uu dib ugu laabtay labo beri kadib habeenkii xalay Magaalada dhahar oo iyaduna ah Magaalo Puntland,Maamusho,waxaana Warbaahinta Puntland ay qoreysaa in Puntland ay ku baraarugtay markii uu dib ulaabtay Wasiirka Kaluumeysiga Somaliland.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®