SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xiliga Uu Furmayo Kalfadhiga 2aad Ee Golaha Shacabka Oo La Go'aamiyey

 

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go'aamiyeen xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana looga hadlay ajandeyaal dhowr ah oo ay ugu horeyso mudeynta xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka maadaama ay Mudaneyaasha hada ku maqan yihiin fasaxooda Dastuuriga ah.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ka hadlay qodobbada looga hadlay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in guddiga Joogtada ahi ay go'aamiyeen in furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka loo mudeeyey in uu noqdo 08-July-2017 waxaana uu ku wargeliyey dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee fasaxa ku maqan iney usoo diyaar garoobaan furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Guddiga Joogtada ah waxa ay kulankooda uga hadleen howlaha horyaala Golaha iyo sida ay ukala muhiimsan yihiin waxaana howlahaasi ka mid ah ammaanka, dib u eegista miisaaniyadda, guda gelidda dhameystirka Dastuurka, dhameystirka sharciyadii ka yimid Baarlamaankii 9aad iyo qodobo kale.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®