Muslimiinta ku nool Magaalada London ee Carriga Ingiriiska
ayaa walaac xoogan waxa ay ka muujinayaan Weeraro kaga yimaada
Dadka Cadaanka ah ee Xag Jirka ah.
Cadaanka Xag Jirka ah ayaa laga cabsi qabaa in weeraro
ay doonayaan in ay Aargoosi kaga dhigaan weeraradii Argagixiso
ee ka dhacay dalkaasi Ingiriiska ay ku qaadaan Muslimiinta
ku nool Waqooyiga London oo ay ka mid yihiin Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee dalkaas.
Dowladda Ingiriiska ayaa ka hortageysa falal kale oo weeraro
Aargoosi ah oo ka dhan ah Musliimiibta Dalkaas.
Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa kadib weerar Gaari xamuul
ah loo adeegsaday oo lagu qaaday Masjid ku yaalla Magaalada
London.
HOME