SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Deegaanka Baanyaaleey oo uu Kulan ku Dhexmarayo Waxgaradka Beelihii ku Dagaalamay Hiiraan

 

Maanta ayaa la filayaa in ay deeganka Banyaaleey ee gobolka Hiiraan ay ku kulmaan Odayaasha dhaqanka ee ka soo kala jeeda Beelihii dhawaan ku dagaalamay halkaas si xal buuxa looga gaaro daagal beeleedyadii dhex maray labadii maleeshiyo Beeleed.

Masuuliyiin ka kala socda Maamulada Hir-Shabeelle iyo Ahlusuna Wal-Jamaaca ayaa dhawan ku guuleestay in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkii wada dagaalamay islamarkaana la kala geeyo deegaan isku jira ilaa 10km taas oo keentay in uu dagaalka joogsado.

Kulanka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa dagaaladii dhacay iyo khasaarihii ka dhashay iyo sidoo kale sidii heshiis buuxa looga gaari lahaa dagaaladaas maadaama dadka wada dagaalamaya ay yihiin dad wada Dhashay oo dhul iyo daaqsin wadaaga intaba.


Qaar ka mid ah Waxgaradka ka qeybgalaya kulankaas ayaa waxa ay sheegeen in ay rajo wanaagsan ka qabaan in dagaal beeledkii dhacay xal buuxa laga gaari doono.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®