SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Askari Ganacsade ku dilay Duleedka Magaalada Muqdisho deegaanka ...

 

Askari ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka Magaalada Muqdisho uu ku dilay Nin Ganacsade ah oo Magaciisa lagu sheegay C/kariin C/qaadir Maxamed,waxaana uu ka mid ahaa Ganacsatada halkaasi ku nool.

Askariga wax dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Abuukar Barow,waxaana uu ilaalo u yahay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Garasbaaley Ibraahin Salaad Abuukar.

Qof Goobjooge ah ayaa sheegay in Ganacsadaha iyo Askariga uu Muran dhex maray kadibna la dilay Marxuunka Ganacsadaha ahaa ee lagu Magacaabi jiray C/kariin C/qaadir Maxamed.

Askarta Ciidamada Dowladda ayaa Xilliyada qar si Bareer ah u Toogto Dadka Shacabka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho,waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu horay u sheegay in Askarigii Shacabka dhibaateeya Sharciga la hor geyn doono.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®