SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ethopia oo Wada-hadal Ka Galaysa Saamiga ay Ku Yeelanayso Dekeda Berbera.

 

Wasiirka Gaadiidka dalka Itoobiya Axmed Shide oo warbaahinta kula hadlay magaalada Djabuti ee Caasimadda dalka Jabuuti ayaa sheegay in wali wada hadal ka taagan yahay saamiga ay dawladiisu damacsan tahay inay ku yeelato dekeda magaalada Berbera.


Wasiir Axmed Shide oo Jabuuti kaga qayb galay furitaanka dekeda Tojara ayaa warbaahinta u sheegay inay soo dhawaynayaan maal gelinta dekeda Berbera ee Gobolka Saaaxil balse uu wali wada hadal ka socda saamiga ay doonayaan inay ku yeeshaan waxaanu yidhi.

“Arinta ku saabsan saamiga aanu ku yeelanayno dekeda Berbera wali wada hadaladiiayaa socda, inaan maal gashano dekeda Berbera­na mawqif ahaan waanu taageersanahay aniga ayaanaqaabilsan arimahaas oo wada hadal ayaa noo socda, maal gelinta dekeda Berbera ee ay wadaan DP World iyo dawlada somaliland waanu dhiiri gelinaynaa anaguna qayb ayaanu ka nahay, dekedana Itoobiya ayaa aad u adeegsan doonta.”

Maamulka Somali-land ayaa dhawaan sheegay in Dowladda Ethopia 19% laga siiyay saamiga Dekadda Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil ,islamarkaan laga jaro shirkadda DP World ee Dalka Imaraadka Carabta.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®