Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay howlgalka xasilinta
amniga Caasimada oo ay wadaan ciidamada amniga kaas oo ee
weli ka socda degmooyin ka tirsan gobolkaan Banaadir.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar
Xasane,ayaa sheegay in inta badan lagu guleestay dantii
laga lahaa howlgalka xasilinta islamarkaana amniga Muqdisho
uu yahay mid hagaagsan.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray isagoo Warbaahinta Muqdisho
kula hadlayay in Ciidamadu ay ku guuleesteen in ay Muqdisho
ka nadiifiyaan ciidamo wata Dareeska dowlada iyo hub culus
ku waas oo u ku tilmaamay Askari iyo Askari u eke oo Muqdisho
ku dhex watay Hub cul culus sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in lagu guuleestay
in howlgallada socda oo kaliya lagu qabtay Mindiyo iyo Baangado
oo kaliya taas oo ka dhigan in hubkii laga saaray muqdisho
islamarkaana ciidamada dowlada uu qof walba aaday difaacii
loogu talo galay.
HOME