SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
12/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Waxgaradka gobolka Mudug oo baaq diray maamulada GALMUDUG iyo Puntland

 

Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa ku baaqay in la joojiyo Colaada kasoo cusboonaatay degaanka Jeexdin ee gobolka Mudug.

Waxgaradka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado xiisada u dhaxeysa Maleeshiyaadka kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ee hadda ka taagan gobolka Mudug.

Cumar Maxamuud Nuur oo ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa waxaa ugu baaqay Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug in ay wax ka qabtaan colaada ka taagan degaanka Jeexdin.

Waxaa uu ugu baaqay Maleeshiyaadka is horfadhiya in ay dagaalka iyo xiisadda joojiyaan ,islamarkaana ay nabadda qaataan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug , waxa ay ka taagneyd degaanka Jeexdin.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®