SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
12/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxda IGAD oo shir deg deg ah ku yeelanaya Maanta Addis ABABA

 


Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa maanta lagu waddaa in ay ku shiraan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya sida ay xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Itoobiya.

Shirkaan ayaa ah mid deg deg ah oo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu horay ugu yeeray Madaxda Urur goboleedka IGAD.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Shirkaan oo intiisa badan looga hadlaayo xaaladda cakiran ee Suudaanta Koonfureed.


Hailemariam Desalegn Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ahna Madaxa Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro xaalada ka jirta Suudaanta Koonfureed isla markaana Madaxda Gobolka ay ku hadlaan cod mideysan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay xaalada bani’aadanimo ee xilligan ka jira Suudaanta Koofureed, iyadoo ay sii socdaan rabshadaha iyo dagaalada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.

Urur Goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay Soomaaliya, kana mid aheyd dalalkii aas aasay ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb galo shirkaas, oo noqon doona kii u horeeyay.

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar, waxaana isku dhac dhex maray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu sababay in Mr Machar ka baxo Caasimadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo dhan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®