SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-Shabaab oo Sheegey in Ciidamo 61 Askariya Gaaraya ay ka dileen Puntland kana qabsadeen 9 gaari

 

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Puntland ay ku laayeen, gaadiid badana ay ku qabsadeen dagaalkii saakay aroortii ka dhacay Degaanka Af-urur oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso.

Warbaahinta ku hadasha Afka Shabaabka ayaa waxa ay sheegtay weerarkaasi in uu ahaa mid abaabulan, sidoo kalena ay la wareegeen degaanka.

Afhayeenka dhanka hawlgalada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay 61 Askari inay dileen, halka sidoo kale uu tilmaamay inay qabsadeen 16 gaari oo 9 ka mid ah ay yihiin gaadiidka dagaalka ee ciidamada Puntland leeyihiin.

Illaa hadda Saraakiisha ciidamada Puntland kama aysan hadlin weerarkaan culus ee Shabaab saaka aroortii ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Puntland ee degaanka Af-urur.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®