SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

5 Qof oo lagu dilay Deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelada Dhexe

 

Degaanka Xawaadley oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa xalay waxaa aanooyin qabiil loogu dilay Shan ruux, sida ay sheegeen masuuliyiinta Degaankaasi.

C/laahi Macaani oo ah Gudoomiyaha degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay Shanta ruux ee dilka loo gaystay dilkooda inuu salka ku hayo aano qabiil.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha dhamaan dadkii la dilay in ay hayeen rag, isaga oo sidoo kale sheegay dilka in ay ka dambeeyeen rag hubaysan, kuwaasi oo hada gacanta lagu hayo qaarkood.

Gudoomiyaha degaanka Xawaadley ayaa sheegay inay la yaabeen in Shan ruux hal meel lagu wada dilo, iyadoo dilkaasi uu yahay fal aargoosi ah.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha inay ka hortagayaan falal dambe oo salka ku hayo aano qabiil oo ka dhaca degaanka Xawaadley, maadaama weli horay aysan u dhicin in Shan ruux hal meel lagu wada dilo, iyadoo loo aaneynaayo arimo qabiil.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®