SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xildhibaanada G/Waqooyi Bari ee Dalka Kenya oo Hub u iibinaya shacabka


Qaar ka mid ah xildhibaanada Kenya ee ka soo jeedo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegay in ay u iibin doonaan qoryo dadka gobolka si ay isaga difaacaan weerarada mararka qaar ururka Al-Shabaab ay ka geeystaan gudaha dalka Kenya.

Todobo xildhibaan oo ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ku hanjabay in ay aabulayaan qorshe hub loogu iibinayo dadka ku nool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, oo weeraro culus lagu soo qaado.

Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa Ciidamada Kenya ku eedeeyay in aysan la dagaalamin ururka Al-shabaab, maadaama inta badan Shabaab ay weeraro toos ah ka fuliyaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.


“Waxa ay fariisanayaan goobaha raaxada, sida Hoteelada, meelaha indha doogsiga ku wanaagsan, waxayna sheegayaan in ay la dagaalamayaan kooxda Al-shabaab, qoryaha inaga na siiya hadii aadan rabin inaad na difaacdaan, hadii kale waxaan u gudbeynaa Soomaaliya, si aan uga soo iibsano hub.” waxaa sidaasi yiri xildhibaan laga soo doorto degaanka Fafi oo lagu magacaabo Bare Shil.

Si kastaba ha ahaatee Shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay gudaha dalka Kenya ka geysanayeen weeraro ay ku dhinteen dad kenyaan ah.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®