SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Weerar lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Dalka Iiraan

 


Baarlamaanka dalka Iran, ayaa goor dhaw waxaa lagu qaaday weerar hubaysan sida ay soo tabinayaan Warbaahinta dalkaasi.

Ugu yaraan Afar nin oo hubaysan ayaa weeraray dhismaha Baarlamaanka, kadib markii ay soo istaageen Iridda hore ee xarunta Baarlamaanka, kadibna ay rasaas ku fureen illaalada Baarlamaanka, waxayna gudaha u galeen xarunta.

Dableyda ayaa sidoo kale rasaas ooda kaga qaaday Madxafka aas-aasaha dalka Iran Imam Khomeini, sida uu shaaciyay Tv-ga Wararka ee Press.


Waxaa la xaqiijiyay ugu yaraan sideed ruux inay ku dhaawacmeen rasaasta lagu furay xarunta Baarlamaanka, sida Warbaahinta ay u sheegeen Saraakiil. ka tirsan Illaalada xarunta Baarlamaanka, ayaa naftooda ku waayay weerarkaasi.

Xildhibaan Elias Hazrati oo ka tirsan baarlamaanka dalka Iran, ayaa sheegay in dableyda weerarka soo qaaday ay wateen qoryaha fudud iyo bambada gacanta laga tuuro.

Xildhibaan Mehdi Kiaee, ayaa sheegay dagaalka inuu socdo, ciidamada ammaankana ay isku dayayaan inay xaaladda si nabadgelyo ah ku soo celiyaan.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®