SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Galmudug oo Maanta tagaya Magaalada Gaalkacyo si uu ugala hadlo dhaqan galinta heshiiskii Puntland

 

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta tagaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa ka bixi doona Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana uu Gaalkacyo u tagi doonaa sidii Bulshada Reer Gaalkacyo uu ugala hadli lahaa Dhaqan gelinta Heshiiskii dhawaan ay wada gaareen Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maalmo ka hor tagay Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud,waana Booqashadii Labaad ee uu ku tago Xaaf Meel ka baxsan Magaalada Cadaado oo Degaanada Galmudug ah tan iyo markii la doortay.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®