SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Warbaahinta oo Fursad Loo Siin doono Ogaanshaha Xogaha Xafiisyada Dowladda

 

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyadda Soomaliya Abdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay dhidibada u adkeyn doonto xorriyadda hadalka, islamarkaana warbaahinta xorta ah siin doonto fursado ay shacabka Soomaaliyeed ugu tabiyaan xogaha yaalla xafiisyada dowladda.


“Dowladda waxay dhidibada u adkeyn doontaa xorriyadda hadalka, waxayna warbaahinta xorta ah siin doontaa fursado ay shacabka Soomaaliyeed ugu tabiyaan xogaha yaalla xafiisyada,Warbaahinta madaxa bannaan dhankeeda waxaa laga rabaa in ay daacad u ahaadaan dadweynaha oo ay si quman uga haqabtiraan warar iyo warbixinno isu dheelli tiran oo dhab ka hadal ah, Isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta waa furaha dowlad wanaagga aan dooneyno in dowladdan ay dhaqangeliso muddada ay xafiiska joogto ”, ayuu yiri Abdinuur Maxamed.

Warbaahinta Soomalida ayaa inta badan dowladda Federaalka Soomaliya ku dhaliisha in aysan ka ogaanin xogaha yaalla xafiisyada.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®