SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wadooyinka Magaalada Kismaayo oo saakey Gabi Ahaanba xiran

 

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa maanta wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin inta badan, kadib markii Magaalada lagu soo daadiyay ciidamo aad u badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya.

Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Kismaayo ayaa Saakay xiran.

Ciidanka ayaa sugaya ammaanka Magaalada, maadaama Magaalada uu ku sii jeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Maxamed (Farmaajo).


Gaadiidka gaashaman ee ciidamada Kenya ayaa lagu jaray wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo, halka ciidamada Jubbaland lageeyay xaafaddaha Magaalada.

Qaba qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka socota Magaalada Kismaayo oo shalay ay sii tageen xubno ka tirsan Villa Somaliya.

Waa safarkii Afaraad ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tagaayo Magaalo ka mid ah dalka gudihiisa, horay wuxuu u tagay Baydhabo, Afgooye iyo Cadaado.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®