SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Qarax lala eegtay Ciidanka Kenya qeybo ka mida Gobolka Gedo

Wararka inaga soo gaaraya degaanka Tarako hoos yimaada Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax Khasaare geystay lagula eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Qaraxan oo lala eegtay gaari ka mid ahaa Kolonyo Ciidamada Kenya oo u socday Degmada Baardheere islamarkaana ka yimid dalka Kenya, Qaraxa nuuciisa waxa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso.

Gaariga lala eegtay Qaraxa ee ay saarnaayeen Ciidanka Kenya ayaa waxaa ka dhashay khasaare, sida uu Risaala u sheegeen dadka degaanka.


War Al-Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegeen Qaraxaasi in ay ku dileen 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxaasi ciidamada aysan kasoo gaarin dhimasho ,laakiin ay jiraan dhaawacyo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®