SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/06/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dagaal ay ku dhintee ilaa 5 qof oo ka dhacat Gobolka Mudug.



Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal beeleed ka dhacay Deegaanka Saaxo oo qiyaastii 90 Km u jira Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka oo ka dhashay is qab qabsi ku aadan Dhul Daaqsimeed ayaa la sheegay in uu u dhexeeyay Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Maamullada Puntlnad iyo Galmudug.

Masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ku eedeeyay in dhinaca Galmudug laga soo qaaday weerarka uu ka dhashay dagaalka walow Galmudug aysan weli wax faah faahin ah ka bixinin.

Xiisadaha ka aloosan Gobolka Mudug ayaa u muuqda kuwa weli aan xal rasmi ah loo helin iyadoo Maamullada Galmudug iyo Puntland u muuqdaan in ay ku fashilmeen heshiisiinta Beelaha labadaasi maamul ka soo kala jeeda ee wada dega Gobolka Mudug.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®